Ciidamada amaanka dalka Mareykanka ayaa la sheegay in xabsiga u taxaabeen wiil u dhashay dalka Soomaaliya.Wiilka ciidamada amaanka u taxaabeen xabsiga ayaa magaciisa lagu sheegay Maxmed isaga oo lagu eedeeyay in hanjabaad u gaystay shaqaale kala shaqeynayay shirkad ka howlgasha dalkaasi.
Saraakiisha amaanka ayaa ku waramay in wiilka soomaaliga lagu eedeeyay in hanjabaadyo u gaystay shaqaale la shaqeynayay isla markaana ugu hanjabay in uu dili doono.
Waxaa uu sarkaalka intaasi ku daray in haatan wiilka xabsiga lagu hayo isla markaana uu ku socanayo baaritaano xoogan.
Saraakiisha amaanka dalka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in wiilka soomaaliga ah uga shaki qabaan in tababaro ciidan ku soo qaatay dalka Bakistaan.
Tan iyo markii dalka soomaaliya bur bur xoogan cagaha la galay waxaa sii kordhayay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed loogu gaysto qaar ka mid ah wadamo badan oo Caalamka ku yaala isla markaana aanay jirin dowlad u dooda dadkaasi dhibaatooyinka loo gaysanayo.