War ka soo baxay dowlada Canada ayaa lagu shaaciyay in liiska waxa reer galbeedyo ugu yeeraan Argagixisada ku dareen Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab.Warka ka soo baxay dowlada Canada ayaa lagu xusay in ay ka dambeysay kadib markii go,aankaasi gaareen golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka.
Dowlada ayaa ku eedeysay Xarakada Al-shabaab in ay ka mid yihiin xoogaga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale dowlada Canada ayaa sheegtay in dhalinyaro badan oo ka tagan dalkaasi gaareen dalka Soomaaliya isla markaana ka bar bar dagaalamaan Xarakada Al-shabaab.
Dadka Somaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Canada ayaa durba cabsi xoogan ka muujiyay go,aanka dowlada Canada ay gaartay in waxyeelo ay ka soo gaarto.
Si kastaba dowlada Ingiriiska ayay aheyd markii iyana dhawaan shaacisay in liiska waxa reer galbeedka u yaqaanaan Argagixisada ku dareen Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab.