Madaxweyne sheekh Shariif oo kulan la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka Ingiriiska.
 
This article has Published at: 09-03-2010 and has been viewed 28 times
Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa magaalada London kulan kula qaatay Madaxda ugu sareysa dowlada Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la kulmay mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra'isul wasaaraha Ingiriiska Mr. Gorden Brown iyo wasiiro ka tirsan dowladiisa.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii iskaashi xoogan u dhex mari lahaa labada dowladood isla markaana isaga kaashan lahaayeen arimo dhowr ah.

Madaxweyne sheekh shariif ayaa la tilmaamay in madaxda Ingiriiska uga warbixiyay xaalada dalka soomaaliya iyo qorshooyinka dowladiisa kaga aadan xal u helida xaalada ka jira dalka.

Sheekh shariif ayaa ugu baaqay dowlada Ingiriiska in gacan dowladiisa ku siiso sidii ay u hanan laheyd amniga dalka Soomaaliya.

Ra'isul wasaare Mr. Gorden Brown ayaa la sheegay in dowlada Madaxweyne sheekh shariif ka codsaday in xooga saarto sidii loo sii deyn lahaa lamaanashaada dalkiisa u dhashay ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya.

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegay in sidoo kale iskula soo qaadeen arimo aad u fafabadan oo intooda badan ahaa kuwo ay isku afgarteen.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved