Dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah,Kuwa AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda ayaa saaka waabarigii ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodon.Daaalka ayaa waabarigii saaka ka dhacay xaafadaha Taleex iyo Carwadii hore ee Qaranka halkaasi oo ay isku horfadhiyaan dhinacyada iska horjeeda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanadaasi baaqiga ku ah ayaa Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)u sheegay in dagaalka markii hore ku bilowday duqeymo xoogan oo labada dhinac is dhaafsadeen.
Balse waxaa ay xaqiijiyeen in markii dambe halkaasi ka dhacay dagaal faraha la isula tagay.
Madaafiic xoogan ayaa ku dhacayay xaafado ka mid ah degmada Hodon intii dagaalka xoogani socanayay.
Lama xaqiijin wax dhibaato ah oo dadka Rayidka ah ka soo gaaray dagaalkaasi.
Wali ma jiraan wax war ah oo ka soo kala baxay dhinacyada dagaalka xoogan saaka dhex maray oo ay kaga hadlayaan khasaraha soo kala gaaray.
Xaalada ayaa iminka u muuqanaysa mid aad u dagan inkasta oo goobahaasi wali laga baqlayo rasaas teel teel ah.