waxaa xaaladda deganaasho ay saaka ka jirtaa deegaanka kalabayrka ee gobalka Hiiraan oo shalay galinkii dambe ay dagaalo ku dhexmareen ciidamo ka kala tirsan Dowlada KMG somaliya iyo Ururka Xizbul Islaam waxaa xaalad deganaasho laga soo sheegaa saakay deegaanka kalabayrka ee nawaaxiga magaalada Baledwayne ee gobalka Hiiraan kadib markii uu shalay dagaal ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan dowlada KMG soomaaliya iyo Ururka Xizbul Islaam.
dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada Ururka Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen deegaanka galabayrka oo ay ku sugnaayeen ciidamada taabacsan dowlada KMG halkaas oo uu dagaal xoogan ku dhexmaray labada ciidan,afayeeno u kala hadlay labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaas.
sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee uu dagaal ku dhexmaro labadaas ciidan magaalada Baledweyne iyo hareerehrerda laakiin isbuucyadii ugudanbeeyay xaladu waa daganeed.