Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo saakay burburiyay qabrigii Sh. Ali Muumin Bin Kaadimuu
 
This article has Published at: 24-03-2025 and has been viewed 14 times
ciidamada Xarakada Alshabaab oo saakay ku dhaqaaqay howl lagu burburinayo qabrigii Shiikh cali Muumin Bin Kaadimuu.

waxaa saaka ay burburiyeen ciidamada Xarakada Alshabaab qabriyo uu ugu caansanaa qabrigii shiikh cali Muumin oo ku yiyiil Degmada wardhiiglay.

sargaal ka tirsanaa ciidamadii qabriga burbirinaayay ayaa IQK uga sheekeeyay taariikhdii shiikh Cali Muumin iyo wax qabadkiisii asagoo sheegay   in uu shiikhu ahaa reer abroon uuna ku dhashay baadiyaha  16  ramadaan 1341 Hijriyah waxa uuna dhintay 1420 Hijriyada , waxa uu sheegay in uu qoray kitaab ka 'Nuurul Yaqiin' oo uu ku  amaanayay shiikh Muxudiin.

sargaalkaas ayaa sheegay in ay ugu yimaadeen qabriga dad barakaysanayay ayna xaqa u sheegidoonaan ,sidoo kale waxa uu sheegay in ay meesha ku arkeen kutubo ay qoreen xertii shiikh oo uu shirki ku qoranyahay waa siduu sheegee kutubadaas oo ay dadka tusidoonaa.

si kastaba ahaatee ciidamada xarakada alshabaab ayaa maalintii labaad qabri burbirin ka wada magaalada Muqdisho ayagoo maalintii shalay soo burburiyay qabriyo badan oo uu ku jiray qabrigii shiikh Muxudiin Celi.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved