Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Wilaayada Mujaahiidiinta Al-shabaab ee Gobolka Banaadir oo Maalintii 3-aad Qabuuro Bur burin ka wada Muqdisho(Daawo Sawiro).
 
This article has Published at: 25-03-2025 and has been viewed 27 times
Wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee Gobolka banaadir ayaa Maalintii 3-aad qabuuro bur burin ka wada Magaalada Muqdisho.

Qabuurihii Sheekh Macalin Biyamaaloow ayay Maanta Ciidamada Xarakada Mujaahdiinta Al-shabaab Bur buriyeen.

Mas'uulka u qaabilsan Xarakada Al-shabaab dhinaca ka hortaga Shirkiga Sheekh Siciid karataay oo goobta qabuuraha lagu bur burinayay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qabuuro bur burintaan qeyb ka tahay kuwo horay uga soo sameeyeen qeybo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Sheekh Saciid Karataay ayaa intaasi ku daray in labadii maalin ee la soo dhaafay howlahaan ka wadeen magaalada Muqdish.

Mar wax laga waydiiyay Sheekh Siciid halka ay gaynayaan Lafaha ay ka soo saaraan qabuuraha ayaa sheegay in la gayn doono goob aysan dadka ogaan karin sida uu hadalka u dhigay.



Xarakada Al-shabaab ayaa horay u soo bur buriyay qabuuro gaaraya ilaa iyo 7-qabri oo ku yaala Muqdisho isla markanaa ku aasnaayeen Culuma'udiin Caan Ah.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 1 )
Commented by [email protected] at 2025-04-01
waa qalad in qubuuraha la dudumiyo hadaba dadkaas maxaa lagu tilmaami karaa.waa dad aan soomaali aheen doonayana in ay dumiyaan taariikhdeena alshabab alla idin mari ilaah idankii
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved