Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Maamulka Gobolka banaadir oo Maanta dhulka la simay Guryahii ku Yaalay Xaafada Afisyooni(Daawo Sawiro).
 
This article has Published at: 25-03-2025 and has been viewed 24 times
Maamulka Gobolka banaadir ee dowlada KMG ah ayaa Maanta bur burin kula dhaqaaqay guryaha ku yaalay Xaafada Afisyooni ee Gobolka banaadir.

Maamulka Gobolka mas'uuliyiin ka tirsan oo Maanta halkaasi gaaray ayaa amar ku bixiyay in la bur buriyo guryaha halkaasi ku yaala.

Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka banaadir ee dowlada KMG ah C/kaafi Maxamed Hilowle oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in iyada oo la oofinayo go'aankii maamulka lagu dhaqaaqay in la bur buriyo guryaha halkaasi ku yaala.

Waxaa uu intaasi ku daray in dadkaan laga bur buriyay guryaha la dajin doono dhulal kale oo maamulku u qorsheeyay sida uu hadalka u dhigay.




Qaar ka mid ah Qoysaska guryaha laga bur  buriyay ayaa walaac xoogan arintaasi ka muujiyay.

Iyaga oo sheegay in aysan garan karin halka ay dagi doonaan inta maamulku ka gaynayo guryaha uu u qorsheeyay.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved