Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo ku geeriyooday Qarax Miino.
 
This article has Published at: 27-03-2025 and has been viewed 24 times
Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab ee dowlada KMG ah iyo tiro Ciidamadiisa ka tirsan ayaa ku geeriyooday qarax Goordhaw ka dhacay degmada uu gudoomiyaha ka ahaa.

Axmed Sheekh Maxamuud (Qoorleey)ayaa la xaqiijiyay in qarax Miino lala beegsaday xili uu marayay agagaarka xaafada Afis-yooni.

Waxaana la sheegay in qarax Miino oo aad u xoogan gaarigiisa uu qabsaday.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa IQK u sheegay in qaraxa uu gabi ahaanba bur buriyay gaarigii uu Godoomiyaha saarnaa.

Afhayeenka Gobolka banaadir Maxamed Cariig oo goordhaw xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay geerida Gudoomiyaha.

Lama oga cida ka dambeysay qaraxa maanta lagu qaarijiyay Gudoomiyihii degmada Xamar-jajab.

Balse arintaan ayaa imaanaysa xili maamulka Gobolka banaadir xaafada Afisyooni uu ka wado howlo lagu bur burinayo guryaha halkaasi ku yaala.

Wixii warar ah ee ku soo kordha ka aqriso www.iqksoomaali.com

 

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved