Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Dibad Bax looga soo Horjeeday Howlaha Qabuuro bur burinta Al-shabaab oo Maanta ka dhacay Muqdisho(Daawo Sawiro).
 
This article has Published at: 29-03-2025 and has been viewed 25 times
Dibad bax ay soo qaban qaabiyeen Qaar ka mid ah Culuma'udiinka ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Maanta ka dhacay Muqdisho.

Dibad baxaan ayaa ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo C/casiis oo ah degmooyinka fara ku tiriska ah oo ay gacanta ku hayso dowlada KMG ah.

Dadka dibad baxa dhigaya ayaa markii dambe hal meel isugu soo ururiyay iyaga oo halkaasi qudbad uga jeediyeen mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

Mas'uuliyiintii dibad baxaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh C/qaadir Soomoow oo ah Afhayeenka Golaha sare ee Culuma'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca

Sheekh Soomoow ayaa xusay in dibad baxa ujeedadiisa ay tahay in ay ka soo horjeedaan dadka reer Muqdisho qabuuro bur burintii ay maalmihii la soo dhaafay wadeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Waxaa uuna sheegay in Culuma'udiinka Ahlu Sunna kuwooda ku sugan Muqdisho wadaan ciidamo Uruurin sida uu hadalka u dhigay.



Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururada Bulshada Rayidka deegaanka Banaadir Muxudiin Xasan Afrax oo dhankiisa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qabuuro bur burinta.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa howlgalo lagu bur burinayo qabuuraha ka bilaabay wilaayada xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved