Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah oo Saaka Howlgalo baaritaano ah ka wada Wadada Dabka ee Magaalada Muqdisho.
 
This article has Published at: 30-03-2025 and has been viewed 10 times
Ciidamo aad u farabadan oo ka amar qaata dowlada KMG ah ayaa saaka buu dhaafiyay wadada Dabka ee magaalada Muqdisho halkasi oo ay howlgalo baaritaano ah ka wadaan.

Ciidamada ayaa baaritaano xoogan ku sameynayay gaadiidka BL-ka ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

 

Mid ka mid ah Ardayda wax ka barata iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho oo halkaasi saaka soo martay ayaa waxaa ay sheegtay in saameyn xoogan ardaydooda ku yeelatay howlgalkasi.

 

Ardayadaan Magaceeda ka gaabsatay ayaa ku nuux nuuxsatay in Ciidamada dowlada si aad ah u baarayeen dhalinyarada isla markaana gawaarida kala dagayay.

 

�ciidamada saaka si aad ah ayay dhalinyarada u baarayeen iyaga oo gaadiidka kala dagaya isla markaana darbiga madaxyada u saarayay�ayay tiri ardayadaan oo la hadlaysay Idaacada Qur�aanka Kariimka.

 

Ciidamada dowlada ayaa howlgalkaasi la ogeyn waxyaabaha oo ay ku soo qab qabteen.

 

Gaadiid aad u farabadan ayaa saaka wadadaasi lagu arkayay iyaga oo soo buux dhaafiyay sababo la xiriira howlgalka socanaya.

 

Lama oga ilaa iyo haatan sababta howlgalkaasi ka dambeysay iyada oo saraakiisha dowlada ka gaabsadeen in warbaahinta uga warbixiyaan Howlgalkaasi.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved