Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada,AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda oo xalay ka dhacay Muqdisho.
 
This article has Published at: 30-03-2025 and has been viewed 9 times
Dagaalada ayaa ahaa kuwo aad u xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodon ee Gobolka banaadir.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah oo gacan ka helaya Kuwa AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Madaafiic xoogan ayaa la sheegay in labada dhinac dagaalkooda isku adeegsadeen kaasi oo waxyeelo gaarsiiyay tiro dad ah.

Wariye Madax banaan oo lagu Magacaabo Salmaan oo la hadlay Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK) ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalkii xalay si aad ah u sameeyay dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmadasi.

Waxaa uu sheegay in isaga indhahiisa ay qabteen ilaa iyo laba ruux oo Rayid ah kuwasi oo ku dhaawacmay madaafiic xaafadahooda ku soo dhacay.

Balse waxaa uu tilmaamay in ay dhici karaan waxyeelo intaas ka badan oo dadka Rayidka ah soo gaaray.

Xaalada ayaa saaka ah mid aad u dagan isla markaana aanay wax dagaalo ah ka dhaceen degmada Hodon ee Gobolka banaadir.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved