Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah oo Maanta booqday Xaruntii Hore ee Golaha shacabka(Daawo Sawiro).
 
This article has Published at: 30-03-2025 and has been viewed 31 times
Mas'uuliyiin ka socday xubnaha labada gole ee dowlada KMG ah ayaa Maanta booqday xaruntii hore ee Golaha shacabka.

Wafdi uu Hogaaminayay ku simaha Gudoomiyaha baarlamaanka Ahna ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Prof Maxamed Cumar dalxa ayaa Maanta booqday xaruntii hore ee golaha shacabka halkaasi oo ay ku socanayso dayactir xoogan.

Wafdiga dalxa ayaa waxaa ka mid ahaa Ra'isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Macdanta iyo biyaha C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa la sheegay in halkaasi u tageen sidii ay u soo indha indheyn lahaayeen.

Xildhibaan Axmed diiriye Cali oo ah gudoomiyaha gudiga dayactirka golaha shacabka oo halkasi ka hadlay ayaa sheegay in haatan howsha dayactirika u mareyso meel gaba gabo ah.

Axmed diiriye ayaa intaasi ku daray in xili dhaw golaha shacabka ku kulmi doonaan xildhibaanada baarlamaanka KMG ah oo kulamadooda hakad uu ku jiray.

Prof Maxamed Cumar dalxa oo halkaasi dhankiisa ka hadlay ayaa xusay in farsad weyn u tahay dowlada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in mudo 20-sano ah kadib dayactir lagu sameeyo xarunta golaha shacabka.

Isaga oo sheegay in xili dhaw halkaasi ka furmi doonaan kalfadhiyadii baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.






Si kastaba xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wadaa in xili dhaw kulamadooda hakadka ku jiray ku yeeshaan xarunta haatan dayactirka uu ku socanayo.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved