Shil gaari oo sababay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay wadada dabka ee Magaalada Muqdisho.Shilkaan gaari ayaa dhashay sida lagu soo waramayo kadib markii laba gaari oo si xowli ah u socanayay isku dhaceen.
Saxafi Madax babaan oo lagu magacaabo Salman oo ka mid ahaa saxafiyiintii goobtaasi gaartay ayaa sheegay in shilkaasi ku geeriyoodeen ilaa iyo laba ruux oo Rayid ah.
Salmaan ayaa intaasi ku daray in dhalinyarada geeriyooday waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay kadib markii mid ka mid ah labadaasi gaari ay dhaceen isla markaana gaadiid kale ay jiireen.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan goobta shilku ka dhacay ayaa gurmad u sameeyay dadka wayeelada soo gaartay.
Dadkii dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Shilalka gaari ee inta badan wadadaasi ka dhaca aya loo sababeeyaa in ay timaado in darawalada gaadiidka si xowli ah gaadiidka wadadaasi ugu wadaan.