Aftahan
Amin
badarnews
daaruldawaa
Dayniile
Qaadisiya
Rihim
Shabeele
somalimemo
Somalisunah
Somalitech
soomaalinews
Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo xoogaga ka horjeeda oo saaka ka dhacay xaafado ka mid ah W/Muqdisho.
 
This article has Published at: 31-03-2025 and has been viewed 5 times
Iska hor imaad kooban ayaa saaka waabarigii ka dhacay xaafado ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Global oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada dowlada iyo xoogaga hubeysan ee ka horjeeda.

 

Dhawaqa rasaasta noocyadooda kala duwan ayaa laga maqlayay xaafadaha ku yaala degmooyinka shibis iyo C/casiis.

 

Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee halkaasi ku dhaqan ayaa IQK u sheegay in iska hor imaadkii saaka uu ahaa mid xoogan.

 

Ilaa iyo hataan lama xaqiijin khasaare dhab ah oo soo gaaray dadka Rayidka ah iyi waliba dhinacyadii iska hor imaadku u dhaxeeyay.

 

Xaalada goobihii dagaaladu ka dhaceen ayaa wali laga maqlayaa rasaas xoogan xiliyada qaar iyada oo lagu soo waramayo in xaaladu tahay wali mid aad u kacsan.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka [email protected]
COMMENTS ( 0 )
No Comments available
Maxaad ka leedahay Warkaan Aqriste:?

Emailkaada ku qor:

Warkaada ku qor:


 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved