Dowlada Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in dalka soomaaliya qorsheynayso in ay u soo dirto diyaaradaha nooca wax basaasa ah.Sarkaal ka tirsan dowlada Mareykanka oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa shaaca ka qaaday in haatan madaxda dalkaasi qorsheynayaan in ciidamo Kumandos ah iyo waliba diyaaradaha wax basaasa u diri doonaan Soomaaliya.
Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in diyaaradaha saldhig looga dhigi doono Jaziirada shishalis isla markaana halkaasi ka soo kici doonaan.
Warar Hoose ayaa AP sheegtay in ay sheegayaan saraakiil ka socday dowlada Mareykanka in magaalada Nairobi kulamo qarsoodi ah kula qaateen madax ka tirsan dowlada KMG ah.
Wakaalada ayaa xustay in dowlada Mareykanka ugu baaqaday dowlada Sheekh shariif in ay la timaada isla markaana soo gudbiso qorshooyinkeeda dagaalka.
Horay ayay dowlada Mareykanka u beenisay warar sheegayay in dowlada KMG ah ku gacan siin doonaan sidii ay ula wareegi laheyd amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.