Dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay deegaanka Bacaad-weyn ee Gobolka Mudug.Dagaalka ayaa ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan taasi oo keentay in ay ka dhashaan waxyeelo xoogan.
Gudoomiyaha deegaanka Bacaad-weyn Maxamed Saciid ayaa Idaacada Qur'aanka kariimka (IQK)u sheegay in dagaalka ay soo qaadeen maleeshiyo ka soo jeeda deegaanka Camaara.
Isaga oo intaasi ku daray in dagaalkaasi uu gaystay waxyeelo aad u farabadan.
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo ku dhawaad 20-ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka deegaanka Bacaad-weyn ayaa sheegay in xaalada caawa ay tahay mid aad u dagan inksta oo maleeshiyaadka halkaasi ku dhaqan dhaq dhaqaaqyo xoogan wadaan.