Dagaalo xoogan ayaa galabta ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka banaadir.Dagaalada ayaa ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Hodon ee Gobolka banaadir.
Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan isla markaana hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.
Saxafi Madax banaan oo lagu Magacaabo Salmaan ayaa Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)u sheegay in dagaalkii galabta uu ahaa mid aad u xoogan.
Waxaa uu sheegay in dagaalka uu gaystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa iyo 2-ruux ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku geeriyoodeen halka 4-ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale dagaalo midkan la mid aha ayaa galabta ka dhacay agagaarka Hotelka Galobal ee degmada shibis.
Dhawaqa Madaafiicda noocyadooda kala duwan ayaa halkaasi laga maqlayay iyada oo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.
Xaalada ayaa caawa ah mid dagan isla markaana aanay goobihii dagaaladu ka dhaceen aysan ka jirin wax dagaalo ah.