Ciidamada mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay kooxo loogu shaki qabo burcad badeed.Ciidamada ayaa la sheegay in ilaa iyo 4-ruux ka qabteen Jaziirada Shishalis kuwaasi oo looga shaki qabo in burcad badeed yihiin.
Sarkaal u hadlay Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa wakaaladaha wararka u xaqiijiyay in gacanta ku dhigeen kooxahaasi.
Isaga oo intaasi ku daray in kooxahaan qabteen iyaga oo watay dooni yar isla markaana uga shakiyeen burcad badeed.
Sarkaalka ayaa sheegay in hataan kooxahaasi dul saaran yihiin mid ka mid ah maraakiibtooda isla markaana baaritaan ku socanayo.
Kooxaha burcad badeeda ayaa iminka u muuqanaya kuwo si aad ah ugu sii xoogaynsanaya meel ka baxsan xeebaha dalka soomaaliya isla markaana ka soo qafaasha maraakiib kala duwan.