Ciidamada amaanka dalka Ugandha ayaa la xaqiijiyay in xabsiga dhigeen wiil Soomaaliyeed oo Haysta dhalashada dalka Australia.Wararka ayaa sheegaya in ciidamada sirdoonka dalka Ugandha hotel ku yaala bartamaha Caasimada Kambala kala baxeen wiil Soomaaliyeed.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Xaashi Xuseen Faarax ayaa la xaqiijiyay in hotel lagu magacaabo Ramadaan kala baxeen Ciidamo ka mid ah kuwa la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaan JATT.
Ehelada wiilkaan ayaa si aad ah uga xumaaday falka ay ku dhaqaaqeen ciidamda dalka Ugandha.
Waxaana lagu soo waramayaa in dadaalo haatan ay socanayaan kaasi oo lagu sii deynayo wiilkaan Soomaaliga ah.
Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalka Ugandha ayaa dhankooda dareen xoogan arintaasi ka muujiyay.