Ururka xisbul islaam ayaa ugu baaqay Idaacadaha ka howlgala Muqdisho in ay joojiyaan sii deynta Heesadaha.Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka xisbul islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo galabta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in looga baahan yahay Idaacadaha Muqdisho in ay mudo 10-cisho ah ku jiijiyaan heesadaha iyo Music-da ay sii deynayaan.
Macalin xaashi ayaa sheegay in arintasi ka hor imaanaysa shareecada islaamka isla markaana laga doonayo warbaahinta in go'aankaan sida uu yahay u dhaqan galiyaan.
Waxaa uu ku booriyay in ay noqdaan sida qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo aan sii deyn heeso iyo Music-intaba.
Sidoo kale Macalin xaashi ayaa warbaahinta ugu digay in ajnabi ugu yeeraan dagaalyahanada ka dhinac dagaalamaya.
Isaga oo xusay in caasimada ku casuumayaan Sheekh Usaama bin Laadin iyo mujaahidiinta ku sugan caalamka oo dhan.