Qaar ka mid ah Bukanadii ku dhaawacmay dagaalo shalay ka dhacay Muqidsho oo la sheegay in Maanta ku geeriyodeen isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina Duniyo Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in shalay kaliya isbitaalka la soo gaarsiiyay ku dhawaad 65-ruux oo ku dhaawacmay dagaaladii shalay galinkii dambe ka dhacay degmada Hodon.
Duniyo ayaa sheegtay in bukaanadasi markii isbitaalka la soo gaarsiiyay loo sameeyay adeeg caafimaad oo deg deg ah.
Balse waxaa ay xustay in 9-ruux u geeriyoodeen dhawacyadii ay qabeen oo la dabiibi kari waayay.
Duniyo ayaa intaasi ku dartay in hataan bukaanada kale xaaladooda ka soo hagaagayso isla markaana wali baxnaanin lagu hayo.
Bukaanadaan ayaa ahaa kuwo ku soo dhaawacmay dagaaladii xooganaa ee shalay galinkii dambe ka dhacay degmada Hodon ee Gobolka banaadir waxaana dadkaasi dhaawacmay ku jiray Carruur da'yar.